Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmahan ku sugan Muqdisho ayaa xalay howgiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif ayaana salaan iyo is wareysi kadib kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khalalaasihii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ciidamada dowlada ku weerareen Hotel Shariif iyo Xasan Sheekh degnaayeen.

Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay khilaafka xoogan ee xiligan ka taagan doorashada gaar ahaan guddiga doorashada , waxa ayna labada dhinac isla garteen in muhiim tahay in xal nabadeed laga gaaro xiisada siyaasadeed ee taagan.

Sheekh Shariif ayaana ka codsaday Madaxweynaha Hirshabelle in uu noqdo dhax dhaxadaad kana fiirsado mustaqbalkiisa siyaasadeed uusan noqon hogaamiye hayi raac ah oo looga gudbo xaaladan kala guurka ah.

Madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si weyn u taageersan siyaasada Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday , waxa ayna Madaxdan aysan awood u laheyn in ay dhax dhaxaad noqdaan kuna shaqeeyaan rabitaanka dadka ay matalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamul Goboleed War kasoo saaray Xayiraadii maanta lagu sameeyay Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Gabdho Soomaaliyeed oo Guulo waa weyn ka gaaray Doorashooyin ka dhacay Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---