Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada hareeraha laamiga la dhigo lala eegtay Gudoomiye Waaxeed katirsan Deegaanka Daarusalaam ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay degmada Hiliwaa gaar ahaan agagaarka Warshada Xeelle Bariise, waxaana qaraxan lala eegtay Gudoomiyaha Waaxda 1-da Luulyo ee deegaanka Daarusalaam Axmed Cadde.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa ilaalada Gudoomiye waxaadeedka ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino, mid kamid ah askarta ayaana la sheegay in qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Ciidamo katirsan dowlada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana la sheein cid ay ciidamada amaanka usoo qabteen qaraxan miino ee goordhaw lala eegtay gudoomiye waaxeedka katirsan Deegaanka Daarusalaam.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka  ayaa mudooyinkan kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee dowladda ka yeeleysaa Malaayiinta Dollar ee Al shabaab laga xayiray?

Cabdi Cade

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Gudoomiye kuxigeenka Maaliyadda G/Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Abaabulka banaanbaxyo iska horjeeda oo ka socda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---