Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax aan habooneyn ku tilmaamay in Madaxdii hore ee dalka kana mid ah Musharaxiinta la kulmaan Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle.
Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in aysan habooneyn in lala kulmo Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor iyaga oon cadeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii dowlada ku qaaday Siyaasiyiinta shacabka deegaanadooda kasoo jeeda.
Madaxweynaasha Hirshabelle iyo Galmudug ayaa xalay siyaabo kala duwan ula kulmay qaar kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta sida Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre
Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Musharax Warsame
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com