Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la diyaarinayo iyo Dambiyada loo heesto oo la shaaciyay

Afhayeenka Midowga Musharixiinta mucaaradka Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday musharaxiinta uu ahaa isku day dhameestiran oo la doonayay in lagu dilo.

Waxa uu sheegay Daahir Geelle in rasaastii habeen hore ciidamada dowlada ku fureen Hotelka Maa’ida la doonayay in lagu dilo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo hoteelkaasi degnaa.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in rasaastii shalay subax lagu furay musharaxiin uu kamid ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya uu ahaa shirqool kale oo iyana la doonayay in ciidamadada dowlada ku dilaan musharaxiinta qaarkood .

Daahir Gelle ayaama cadeeyay amarka lagu qaarijin lahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Mudsharaxiinta kale uu bixiyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Musharax Daahir Geelle ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu sheegay in isagu bixiyay amarka lagu weeraray Musharaxiinta laguna hor joogsaday banaan baxa nabadeed.

Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa shalay awood u adeegsatay joojinta banaan bax ay qorsheenayeen musharaxiinta mucaaradka in ay ka dhigaan Daljirka Dahsoon, waxa ayna ciidamada rasaas ku fureen banaan bax ay hogaamiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo u jabaabay dadka dhaleeceenaya Doorashadii ka dhacday Galmudug

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo qol isku soo xiray Cuntadana diiday iyo xaaladiisa oo laga deerinayo

Cabdi Cade

Heyadda SODMA oo ka digtay duufaan halis ah oo Somalia ku soo wajahan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---