Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujisay rabshadaha kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho gaar ahaan weerarkii lagu qaaday dibad baxayaal ay horkacayeen qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada Imaaraadka Imaaraadka ayaa ugu baaqday dowladda mudo xileedkeedu dhamaaday iyo dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan xasilooni kana fogaadaan in la abuuro nabad galyo xumo.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan heerka ugu sarreeya ee xakamaynta si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ah in la dhiso mustaqbal xasilloon oo nabad galyo leh”. ayaa lagu yiri qoraalka Imaaraadka kasoo baxay.
Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in ay taageereyso gacana ka geesaneyso dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya ka dhacdo doorasho hufan xalaal ah kuna dhacda waqtigeeda, waxa ayna ugu baaqeen dhinacyada Soomaalida in gacmaha is qabsadaan.
Imaaraadka Carabta ayaa muujisay rajadiisa ah in xasillooni ka hirgasha Soomaaliya ay muhiim u tahay gobolka si loo ilaaliyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya isla markaana la dhameeyo khilaafka muda dheer ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Dowladaha walaaca ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Muqdisho iyo rabshadihii ka dhacay ayaa sii kordhaya, waxa ayna wadamada caalamka ka cabsi qabaa in xaalada Caasimada Muqdisho faraha ka baxdo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com