Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madfac ku dhacay gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde (Sawirro)

Madfac ayaa goor dhow ku dhacay gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho xili agagaarka hotelka Jasiira oo ku dhow garoonka uu ka socday dibed ay dhigayeen taageeyaasha mucaaaradka DF.

Ilo wareedyo ku sugan garoonka dayuuradaha Aadan cadde ayaa allbanaadir Online u sheegay in madfacaas uu ku habsaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla gudaha garoonka.

Lama sheegin illaa hadda wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay madfacan, marka laga reebo burbur kooban uu soo gaaray maqaayada sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madfaca ku dhacay garoonka dayuuradaha uu ahaa gantaalaha garabka laga gano (RBG) kaasoo aan si rasmi ah loo ogeyn cida soo riday iyo halka laga ganay.

Dhinaca kale, Duulimaadkii u qorsheysnaa shirkadda dayuuradaha Ethiopian Airlines iney maanta ku timaado magaalada Muqdisho ayaa la baajiyey sababo la xiriira rabshadaha ka socda magaalada sida ay Allbanaadir Online u sheegeen howlwadeeno ka tirsan garoonka Aadan cadde.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka K/Cagta Junyorka Somalia oo u gudbay finalka Koobka Bariga & Bartamaha Afrika

Caydiid Ali

Hindise Sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay Aqalka Sare

Cabdi Cade

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo noqday guddoomiye & afhayeen la’aan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---