Rasaas xoogan ayaa goor dhow ka bilaabatay agagaarka isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho xili ay xiran yihiin jidadka magaalada intooda badan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada DF ee ku sugan bar Kontrol oo ku taalla agagaarka Km4 ay rasaas ku kala eryeen dibed baxayaal ay horkacayeen koox musharaxiin ah oo socod ka soo bilaabay wadada garoonka aadan cadde.
Dibed baxayaasha la rasaaseeyey ayaa waxaa horkacayey musharaxiinta kala ah C/raxmaan C/shakuur iyo Xassan Cali khayre.
Goob joogayal ayaa sheegaya in in rasaasta ka dib lagu kala cararay goobta, ayna dadkii dibed baxayey u kala firxadeen meelo kala duwan.
“Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo waxay isku sii badinayaan danbiga. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan ugu baaqayaa dhiigya cabkawaad aragteen. Waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan” ayuu C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiida facebook.
HOOS KA DAAWO RASAASTA LAGU FURAY BANAANBAXAYAASHA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â