Banaanbax uu hoggaaminayo hoggaamiyaha Xisbigaha Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah midowga Musharixiinta ayaa ka bilowday wadada isku xirta garoonka Aadan cadde iyo Km4.
Cabdiraxmaan ayaa hogaaminaya koox dhalinyaro ah oo wata boorar yar yar iyagoo doonaya iney gaaraan daljirka Dahsoon oo ah goobtii loo asteeyey inuu ka dhaco banaanbaxa inkastoo dhammaan jidadka Muqdisho ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa DF
Mar Cabdiraxmaan uu la hadlayey dadka yar ee isku soo baxay ayuu sheegay in dadkii la rabay in kasoo qeyb galaan banaanbaxa laga xiray jidadka Muqdisho sidaas awgeedna ay yaraadeen dadkii iman lahaa.
”Farmaajo iyo Fahad iyagoo duleysan ayey magaalada ka tegi doonaan, dadkana dulqaad ha muujiyeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay oo aad u koobnaa.