Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre: “Weerarkan wuxuu bilow u yahay siyaasadda xukun isku dhajinta ah”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa weerarkii xalay saqdii dhexe ka dhacay Muqdisho ku tilmaamay “Bilowga Natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah”.

Khayre oo ka mid ahaa musharaxiinta mucaaradka ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa facebook ku bilaabay sidatan:-

“Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waana ibafurka farriimahii xambaarsanaa dhiilada colaadeed ee maalmihii tagay kasoo yeerayay hey’addaha dowlada ee muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday.

In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

Related posts

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Kheyre oo bilowday dagaal ka dhan ah Musuq Maasuqa

Cabdi Cade

Kheyre oo dhaleeceeyay lacago yaab leh oo shacabka Muqdisho laga qaadayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---