Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Xassan Xundubey Jimcaale ayaa War ka soo saaray dagaalkii caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay wasiirka ayuu ku sheegay in koox maleeshiyo ah ay caawa weerar ku soo qaadeen baraha ciidamada amaanku ku leeyihiin Muqdisho, la iskana difaacay.
“Maleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho, Sarkaal u hadlay Maleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay inay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa” ayuu yiri wasiirka.
“Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mar dhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida, Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey wasiirka.
Hadalka Wasiirka ayaa laga dhadhan karaa in sarkaalka hogaaminayey maleeshiyada uu sheegay uu ula jeeday Yuusuf Siyaad Indhacadde oo caawa sheegay in ciidamo uu wato ay qabsadeen daljirka dahsoon, ayna sugayaan amaanka banaanbaxeyaasha, wuxuuna carabka ku dhuftay in dalka aysan ka jirin wax dowlad iyo maamul ah.
Musharaxiinta mucaaradka oo shaaciyey hadal ka duwan kan wasiirka amniga ayaa ciidamada DF ku eedeeyey iney weerar ku soo qaadeen hotelka ay degan yihiin ee Naasa hablood 2 ee magaalada Muqdisho, iyagoo xusay in amarka lagu soo weeraray uu bixiyey Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â