Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal culus Xalay saqdii dhexe abaarihii 1:15 daqiiqo ka qarxay nawaaxiga Hotelka Naasa hablood 2 oo ay degan yihiin musharaxiinta mucaaradka qaarkood iyo taalada daljirka Dahsoon oo ah goobta loo asteeyey inuu beri ka dhaco dibed-baxa ay soo qaban-qaabiyeen Mucaaradka.

Dagaalka ayaa ku bilowday rasaas aad u culus oo la isweydaarsanayey, waxaana barbar socday dhowr qarax oo jugtooda si weyn loo maqlay, iyadoo dagaalku si lama filaan ah u qarxay xili dadka badankood hurdayeen.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee amniga kana mid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore uuna halkaas ka socdo dagaal.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa ilaalada Musharaxiinta inkastoo aan la ogeyn illaa hadda sida uu ku bilowday.

Xaalada ayaa hadda degan inkastoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo taalada daljirka Dahsoon iyo agagaarka Hotelka Naasa hablood 2, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

Related posts

Daawo: Boqor Burhaan oo Baaq deg deg u diray Madaxweyne Deni iyo Mucaaradka

Caydiid Ali

Daawo: Tiradii ugu badneyd Xildhibaanada Golaha Shacabka oo gudbiyey Mooshin culus

Caydiid Ali

Nin Beeraleey Afrikan ah oo abaal marin qaali ah ka helay shirkadda Facebook

Cabdi Cade
Taboola Ads ---