Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado ayaa laga dareemayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo lagu wado in maalinta beri ah uu ka dhaco dibed-bax ay soo qaban-qaabiyeen Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Ciidamo wata gaadiidka tiknikada iyo Tuutaha ciidamada Militariga oo taabacsan Musharixiinta ayaa isku gedaamay Hotelka Naasa hablood 2 oo ay degan yihiin Madaxweynayaashii hore Xassan Shiikh iyo Shiikh Shariif halkaasoo ay ka abaabulayaan banaanbaxa beri.
Naasa hablood 2 Waa hotel kaabiga ku haya fagaaraha Daljirka dahsoon, dhanka kalena ku yaala aag muhiim ah oo eegaya madaxtooyada Villa Somalia.
Dhinaca kale, ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo kuwa Haramcad ayaa la dhigay wadooyinka soo gala taalada daljirka dahsoon, si ay u horjoogsadaan dadka banaanbaxa ku sii jeeda.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ilaalada Villa Somalia ay la wareegeen Hotelka SYL oo kaabiga u saaran Madaxtooyada ka dib markii ay ka war heleen iney soo degi rabaan xubno ka tirsan Mucaaradka oo doonaay iney halkaas ka abaabulaan banaanbaxa.
Mucaaradka ku baaqay banaanbaxa Jimcaha ayaa u muuqda kuwo doonaya oo kaliya in banaanbuxu si nabadeed ugu dhaco, ma jirto meel ay ciidamadoodu ka xireen dadwaynaha, isusocodka gaadiid iyo dadkuna waa caadi.
Waxaa kale oo hareeraha madaxtooyada villa Soomaaliya lagu arkayaa ciidamo iyo taangiyo ay soo dhigeen dhamaan wadooyinka Soo gala Madaxtooyada, iyada oo wax ka yar 100 mitir ay isu jiraan labada ciidan.
Dad badan oo siyaasiyiin iyo aqoonyahano isugu jira oo aan la kulmay ayaa talo ku soo jeedinaya in dawladdu aanay banaanbaxayaasha u adeegsan cudud militari oo ay muhiim tahay in ay musharixiinta u ogolaadaan banaanbaxooda, lamana saadaalin karo sida xaal noqon karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com