Midowga Yurub ayaa uga digay dhinacyada isku haya khilaafka doorashada Somalia iney ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara isku dhac iyo rabshado horseedi kara xasilooni daro aan loo baahneyn.
Safiirka Midowga Yurub u jooga Somalia Nicolas Berlanga ayaa ku baaqay in laga fogaado ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka Midowga Musharrixiinta beri oo jimco ah ka sameynayaan Muqdisho.
Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Inkastoo la ixtiraamayo xaqa hadalka iyo banaanbaxa, haddana loo baahan yahay in lagu dhaqmo xakameynta xasaasiyada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta isku imaatinka.
Mucaraadka DF ayaa qorsheynaya iney beri oo JImco ah iney banaanbax weyn ka dhigaan magaalada Muqdisho kaasoo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.
DF ayaa mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha, ayadoo ku andacootay ka hortaga faafitaanka cudurka COVID-19 oo haatan soo labo kacleeyey, hase ahaatee madaxda mucaaradka ayaa ku gacan seyray hadalka DF iyagoo ku adkeysanaya iney qaban doonaan banaanbaxaas iyagoo sheegay iney fukin doonaan talaabooyinka loo baahan yahay si looga hortaga cudurka Corona.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com