Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeniyay Warar lagu baahiyay Websetyada qaar iyo Baraha bulshada oo sheegayay in uu joogo dalka Imaaraadka Carabta oo looga yeeray.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in uusan joogin dalka Imaaraadka Carabta balse hada uu joogo magaalada Nairobi, waxa uuna intaa ku daray in aysan danbi aheyn in la tago dalka Imaaraadka Carabta.
”Waxaan ku suganahay magaalada Nairobi oon u joogo howlo ii gaar ah, Jimcaha ayaana Muqdisho ku laabanayaa ugana sii gudbayaa Baydhabo, waxaansa cadeenayaa in aysan dambi aheyn in Imaaraadka la tago” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madax katirsan maamul goboleedyada dalka ayaa dhawaan tagay dalka Imaaraadka oo xiriir aan wanaagsaneyn xiligan kala dhaxeeyo dowlada Federaalka, waxaana Madaxdaasi markii ay kasoo laabteen Imaaraadka weerar afka ah ku qaadeen Dowlada Federaalka.
Qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa xiligan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana la filayaa in malamaha soo aadan in dalka kusoo noqdaan si ay uga qeyb galaan shirka Amniga Qaranka oo Baydhabo ka furmaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com