Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan baxa beri iyo Dowlada oo qorshayaal culus wada

Waxaa beri oo Jimco ah la filayaa in taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ka dhaco banaan bax weyn ay iclaamiyeen golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Abaabulka Banaan baxan ayaana si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarumaha ay degan yihiin musharaxiinta, waxaana magaalada qeybo kamid ah isku aruursanaya dad badan oo raba in beri banaan baxa ka qeyb galaan.

Banaan baxan ayaa looga soo horjeedaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxaa sidoo kale banaan baxa lagu dalbanayaa in la qabto doorasho hufan oo raali laga wada yahay.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa sii degay Hotel ku dhaw taalada Daljirka Dahsoon si halkaasi uga abaabulaan banaan baxa beri la filayo in uu dhaco.

Dhinaca kale dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ku dooneyso in ay ku fashiliso banaan baxa ay iclaamiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ama ugu yaraan hoos ugu dhigto dadka la filayo in ay kasoo qeyb galaan.

Qorshayaasha dowlada wado ayaa la sheegay in ay kamid yihiin in la xiro wadooyinka magaalada qaarkood si loo joojiyo dadka iyo gaadiidka tagaya goobta uu banaan baxa ka dhacayo si dadka gaaraya Daljirka u yaraadaan.

Waxaa sidoo kale saraakiisha amaanka dowlada ka fekerayaan sida loo fashilin karo banaan baxa beri ka dhacaya magaalada, iyadoona laga yaabo in bandow magaalada lagu soo rogo si banaan baxa meesha looga saaro.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa ku hanjabay qorshe walbo oo dowlada la timaado in uusan ku baaqan doonin banaan baxooda, waxa ayna ugu baaqeen taageerayaahooda in ay soo banaan baxaan ayna muujiyaan shucuurtooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Theresa May: “Lama aqbali karo hadalka isir naceybka ah ee ka soo yeeray Trump”

Caydiid Ali

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe, Rooble & xubno kale dalka ku soo laabtay & saf loo galay..

Caydiid Ali

Wasiirka Arimaha Dibadda oo Muqdisho kula kulmay Adam Abdelmoula (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---