Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Daawo Sawirro) Puntland oo qabatay qaraxyo lagu diyaarinayey Magaalada Boosaaso

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland PSF ayaa sheegay iney qabteen qaraxyo la damacsanaa in laga geysto magaalada Boosaaso.

Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Boosaaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso, iyada oo ay ciidanka PSF heleen warbixino ku aadan falal argagixisanimo oo ay damacsan yihiin Al Shabaab” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada PSF.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in qaraxyada ay qabteen qeyb ka mid ah la qorsheynayey in laga saaro magaalada Boosaaso.

“Waxay ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah la damacsanaa in loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta xoogaga Al-shabaab iyo Daacish ee fariisimaha ku leh buuralayda gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

70 Askar Mareykan & Israailiyiin ah oo lagu dilay Yemen

Caydiid Ali

Al Shabaab oo la wareegtay deegaan ay ka baxeen ciidanka Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo sheegay in aysan marnaba aqbali karin in Xoogaga Wadaniyiinta ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---