Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo fashilisay qaraxyo lala damacsanaa Magaalada Addis ababa

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay iney gacanta ku dhigtay gaari lagu soo raray bambooyinka gacanta laga tuuro oo ku sii jeeday Magaalada caasimada ah Addis Ababa

Taliye ku-xigeenka Booliska Itoobiya ayaa sheegay in gaariga oo kasoo baxay magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigrey lagu qabtay degaanka Waldiya oo ka tirsan Ismaamulka Amhara.

“Waxaan qabanay 161 bam oo sida muuqata la damacsanaa in qaraxyo looga fuliyo caasimadda Adis Ababa” ayuu yiri taliye ku-xigeenka.

Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal dhowr todobaad socday ku qabsdaday gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaas ka dib markii madaxda xisbiga TPLF ee halkaas ka talinayey ay ka hor yimaadeen dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax ka dhacay Magaalada Laas-caanood iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si deg deg ah u magacaabay Wasiirka Warfaafinta

Cabdi Cade

Xeer ilaaliyaha Puntland oo go’aan cusub ka qaatay xariga Siyaasiyiinta Mucaaradka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---