Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay inay Jimcaha soo socda ka ag dhowaadaan taalada Daljirka Dahsoon oo la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen mucaaradka Soomaaliya oo lagu dalbanayo inuu xafiiska baneeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo.
Safaaradda maraykanku ku leeyahay Somalia ayaa fartay muwaadiniinteeda talooyin ay ka mid yihiin inaysan tegin goobtaas, la socdaan wararka warbaahinta gudaha, aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si haddii loo baahdo loogu aqoonsado.
“Halista dibed-baxyada siyaasadeed iyo dambiyada rabshadaha wata awgeed muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka fogaadaan dhaqdhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Muqdisho.
Cabsi xooggan oo la xiriirta in dibed baxa mucaaradka isku rogo rabshado iyo dagaal ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo shacabku ay wadnaha farta ku hayaan.
DF ayaa mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha, ayadoo ku andacootay ka hortaga faafitaanka cudurka COVID-19 oo haatan soo labo kacleeyey, hase ahaatee madaxda mucaaradka ayaa ku gacan seyray hadalka DF iyagoo ku adkeysanaya iney qaban doonaan banaanbaxaas iyagoo sheegay iney fukin doonaan talaabooyinka loo baahan yahay si looga hortaga cudurka Corona.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com