Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Tigrey oo looga digay in ay Qariyaan Hogaamiyaasha TPLF ee baxsadka ah

Dowlada Itoobiya ayaa uga digtay shacabka kunool gobolka Tigrey in ay qariyaan hogaamiyaasha iyo saraakiisha kooxda TPLF ee xiligan ku jira baxsadka ayna baadi goob ugu jiraan ciidamada federaalka Itoobiya.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada federaalka ee jooga gobolka Tigrey ayaa shacabka uga digay in ay gabaad siiyaan ama qariyaan saraakiisha iyo hogaamiyaasha baxsadka ah ee loo heesto dagaaladii gobolkaasi ka dhacay.

Shacabka Tigray ayaa saraakiisha ciidamada federaalka ku boorriyeen in hadii ay arkaan xubno katirsan TPLF  ay dowladda kusoo wareejiyaan ama ay iska fogeeyaan si aan laftooda loo bartilmaameedsanin.

Waxaa sidoo kale shacabka Tigrey loogu baaqay in ay taageeraan soona dhaweeyaan maamulka cusub ee dowlada usoo magacwday gobolka Tigrey, kuwaa oo la sheegay in wali aysan heysan kalsoonida shacabka Tigrey.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa baadi goob ugu jira saraakiil iyo xubno sar sare oo katirsan Ururka TPLF ee awoodooda la wiiqay, waxaana xubnhaasi qaarkood ku dhuumanayaa magaalooyin kuyaala gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lagu tuhmayo in uu geestay Dilal kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Ururka Jaamacadda Carabta oo mowqif Cad ka qaatay Khilaafka ka dhashay heshiiska DP World ee Dekadda Berbera

Cabdi Cade

Gabar Muqdisho ku dishay askari xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---