Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Musharaxiinta oo Baaq la xariira Banaan baxa u diray Madaxda Dowlada

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay dibadbaxa ay iclaamiyeen Maalinta Jimcaha iyo ujeedka lag leeyahay iyo hadal-heynta banaanbaxaas ka dhashay.

Musharax Daahir Geelle waxaa uu sheegay in banaanbaxaan iyo kuwo ka horeeyay intaba ay ogeeysiiyeen Madaxda dowladda, iyada oo idin aan looga baahney, balse aysan kasoo jawaabin, hayeeshee banaanbaxaas uu dhacayo.

Waxaa uu ka hadlay Musharax Daahir Geelle hadallo ay bulshada isla dhex-marayeen ee ahaa in uu dhici karo isku-dhac Ciidan, waxana uu sheegay in dowladda laga doonayo inay amniga ilaaliso, isla markaana saraakiisha Ciidamada ay yihiin kuwo wada dhashay oo aan dagaaameen.

Waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda inay ilaaliyan amniga guud ee dadka banaanbaxayaasha oo mas’uul ay ka yihiin, waxana uu sheegay in ay diyaar u yihiin in Saraakiisha Ciidamada dowladda ay qeyb ka noqdaan sugida Amniga banaanbaxayaasha.

Hadalka Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dadka Muqdisho ay u diyaar garoobayaan ka qeyb-galka Banaanbaxa ay ku baaqeen Musharixiinta ee ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Afrikan ah oo qirtay in si farsameysan ku xaday lacag Malaayiin Dollar ah

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo War aan looga baran ka soo saartay Sarkaalkii ay soo bandhigtay NISA

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo si dabacsan uga hadashay Xiriirka ay u jartay Dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade