Allbanaadir.com
NEWS

Miisaaniyada Ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa oo laga shiray (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale.

Kulankan ayaana looga hadlayay Miisaaniyadda ciidamada Milatariga Soomaaliya  iyo sidii loo horumarin lahaa, waxa ayna Wasiirada iyo taliyaasha iska warsadeen sidii loo kordhin lahaa miisaaniyadda ciidamada lagu bixiyo.

”Kulan muhiim ah oo miro dhalay ayaan maanta la yeeshay Madaxda Wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ka wada hadalnay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa, muhiimdeena 1aad waa in aan taageernaa ciidamadeena geesiyada ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Beyle.
Xukuumada Soomaaliya ayaa wax badan ka bedeshay miisaaniyada ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxa ayna dowlada ka shaqeesay sidii ciidamada u heli lahaayeen mushaar joogta ah iyadoona ciidamada loo sameeyay diiwaan gelin.

Related posts

Akhriso Casharadii Laga Bartay Doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Adis Ababa

Cabdi Cade

Wariye la afduubtay oo Sabab u noqday in diyaarado badan joojiyaan Duulimaadyo Caalami ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---