Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad u dhaxeysa ciidamada Hirshabelle iyo kuwa Janaraal Xuud oo ka taagan Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada maamulka Hirshabelle iyo kuwa ka amar qaata Janaraal Abuukar Xuud.

Magaalada Baladweyne ayaana lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan ciidamo kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle kuwaa oo taageero u muujinaya ciidamada Janaraal Xuud oo iyana ku sugan duleedka Baladweyne.

Shacabka magaalada Baladweyne ayaana ka walaacsan xiisada kasoo cusboonaatay magaalada Baladweyne ee u dhaxeysa ciidamada dowlada oo taageeraya kuwa Hirshabelle iyo ciidamada Haramcad.

Maamulka Hirshabelle ayaa mucaaradad xoogan kala kulmaya shacabka ku dhaqan magaaladaasi iyo ciidamo taabacsan Janaraal lagu magacabao Abuukar Xuud oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo shaaciyey sir ku saabsan Nuclearka Iran & jawaab culus oo laga bixiyey

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka wax ka badelka Dastuurka iyo waxa laga filan karo

Cabdi Cade

Jubbaland oo War ka soo saartay sababta Kismaayo loogu diiday Cabdi Cali Raage

Caydiid Ali
Taboola Ads ---