Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin EURO

Wasiirka Caafimaadka df iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladda Talyaaniga ku taageereyso qaar ka mid ah Isbitaalada dalka.

Heshiiskan oo ku kacaya Saddex Milyan oo UERO waxay dowladda Talyaaniga ugu talogashay in wax looga qabto qaar ka mid ah isbitaalada dalka, waxaana kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur iyo safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya -Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha isbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa tilmaantay in heshiiska lala galay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay sidii dowladda Talyaaniga ay Isbitaalada qaar gacan uga geysan lahayd dib u dhis iyo qalabeyn casri ah.

“Heshiiskan waa mid dowladda Talyaaniga ay ku kaalmeyneyso Isbitaalada Soomaaliya qaarkood, waxaa la qabtay shaqo aad u muhiimsan labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan ku faraxsanahay maanta markii uu dhamaaday heshiiska inaan soo tusinay safiirka iyo wafdigiisa kaleba lacagahoodii meelaha ay gashay oo ah meelaha aan kaalmada uga baahanahay, Isbitaal Banaadir waa Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka, qeybta lagu daryeelo carruurta hadda dhashay waxa ay ka mid tahay goobaha lagu dhisay lacagta ay bixisay dowladda Talyaaniga iyo qalabeyntooda” ayay tiri Dr Fowziya Abiikar Nuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xukun Dil ah oo goordhaw Goob fagaare ah lagula fuliyay Shariif Abshir Jini Jini

Cabdi Cade

Caro xoogan oo ka dhalatay booliis Mas ku cabsi galiyay nin Eedeysane ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Iran oo lagu eedeeyey iney Xuutiyiinta gacan ku siiso weerarada Maraakiibta Israel

Caydiid Ali