Allbanaadir.com
NEWS

Cudurka Ebola oo mar kale ka dilaacay dal ku yaalla galbeedka Afrika (Sawirro)

Cudurka Ebola ayaa sanado ka dib mar kale ka dilaacay dal ka tirsan Galbeedka qaarada Afrika xili dunida ay weli dagaal ba’an kula jirto cudurka Corona.

Ugu yaraan 3 qof ayaa u dhintay cudurka Ebola gudaha dalka Guinea, halka cudurka laga helay shan qof oo kale, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka dalkaas.

Waxaana dadkan uu soo ritay cudurka lagu arkay shuban, matag iyo dhiig kaddib markii ay ka qeybgaleen munaasabad aas ah, waxaana laga cabsi qabaa in dad hor leh uu soo rito cudurkan halista ah.

Waxaa socday dadaallo dhowr ah oo lagu baadigoobayo tallaal looga hortaggan cudurkan, waxaana tallaalka laga adeegsaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo markiii ugu horreysay uu ka dillaacay halkaas.

Intii u dhexeysay sanadihii 2013-kii iyo 2016-kii, in ka badan 11,000 qof ayuu cudurka Ebola ku dilay dalalka galbeedka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo ka jawaabay qoraalkii Wasiir Beyle (Akhriso)

Caydiid Ali

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Talyaaniga oo laga reebay Wariyaal iyo Sawir qaadayaal ka… 

admin

Dil argagax leh oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---