Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Dhulgariir ku dhuftay xeebaha Fukushima & Tsunami laga cabsi qabo

Dhul-gariir xoogiisu ahaa 7.3 ayaa ku dhuftay meel ka durugsan xeebta Fukushima ee dalka Japan.

Qiyaastii Boqol qof ayaa ku dhaawacmay dhul-gariirkan oo aad looga dareemay Tokyo laakiin digniin Sunami lama soo saarin.

Dhul-gariirkani wuxuu dhacay qiyaastii toban sano ka dib dhul-gariirkii Sunamida ahaa ee ay ku dhinteen 18,000 oo qof.

Dhul-gariirkani wuxuu dhacay qiyaastii 23:08 habeenimo xiliga Japan, waxaanay xuduntiisu ahayd badda dhexdheeda meel berriga u jirta 60 km.

Guryo lagu qiyaasay ilaa hal milyan oo guri ayaa laydhku ka go’ay, waxaana joogsaday tareennadii. Laakiin ilaa haatan ma jiro wax khasaare ah oo laga soo sheegay oo gaaray warshadaha nukliyeerka.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa wada dedaalo samata bixin ah, iyadoo kumanaan qof ay ka carareen guryahooda oo ku yaalla xeebaha, iyagoo beegsaday dhulka sare ee buuraleyda ah, cabsi laga qabo sunaamida badda.




Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad kala duwan oo loo soo xiray dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Shaqo Adag oo laga qabtay Gobolka Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo jawaab kulul ka bixisay hadalo ka soo yeeray Jabhadda TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---