Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax weyn oo looga soo horjeedo Farmaajo oo lagu baaqay iyo xiliga uu dhacayo oo…

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay isugu soo baxaan banaan bax nabadeed oo lagu diidan yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo mudo xileedkiisu uu dhamaaday si sharci daro ahna mudo lix maalin ah ku joogo Madaxtooyada .

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ilaalin waayay dastuurka sidoo kale ku fashilmay in uu qabto doorasho qof iyo cod ah, isagoo tilmaamay in wali diidan yahay Farmaajo in doorasho wadar ogol ah dalka ka dhacdo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay isugu soo baxaan maalinta jimcaha banaan bax nabadeed oo loog asoo horjeedo Farmaajo laguna dalbanayo in doorasho xur ah la qabto.

Banaan baxan ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta ayuu sheegay Sheekh Shariif uu yahay mid nabdoon oo lagu dalbanayo doorasho, waxa uuna sheegay in banaan baxa lagu qaban doono Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan banaan baxan nabdoon ay ku baaqeen Midowga Musjharaxiinta, waxa ayna horey dowlada u joojisay banaan baxyo Farmaajo looga soo horjeeday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Qatar uga mahad-celiyay teegeero ay siiso Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Amiirad Basma Bint Sa’ud oo mudo dheer kadib xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade

Sweden oo qaadatay go’aan saameyn adag ku yeelanaya Soomaalida ku nool dalkaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---