Allbanaadir.com
NEWS

Duqa magaalada Muqdisho oo Gudoomiye cusub u magacaabay Degmada Hodan

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabay Degmada Hodan, kadib markii la dilay Gudoomiyihii degmadaasi.

Cumar Finish ayaana u magacaabay Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdifitaax Xayir CiiseĀ  oo ilmo adeer la ah Gudoomiyihii la dilay ee Degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) .

Wareegtada Cumar Finish ayaa lagu faray Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Hodan in si deg deg ah xilka ula wareego si loo dar dar galiyo howlaha shaqo ee maamulkaĀ  degmada .

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa bishii hore agagaarka isgooska Howlwadaag ku dilay Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun maalin kadib markii uu kasoo laabtay howlo caafimaad uu u aaday dalka Turkiga kadib qarax lagu dhaawacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweenka ku nool Muqdisho oo muujiyay sida ay ugu go’an tahay ka qeyb-qaadashada sugida Amniga (Daawo Sawirada)

admin

(Sawirro) Taliyaha Xoogga dalka oo gaaray degmada Aw-dheegle ka dib weerarkii Al-Shabaab

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka cusub ee Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---