Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray laamaha amaanka in si deg deg ah u furaan ugana qaadaan dhagxaanta Isgooska Dabka oo xalay dhagxaan la dhigay.
Qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaare Rooble ayuu ku sheegay in wadada dabka muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxa uuna uga mahad celiyay shacabka Muqdisho duqaadka ay muujiyeen.
”Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada.” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.
Laamaha amaanka ayaa xalay dhagxaan dhigay isgooska Dabka ee wadada Maka Al Mukarama, kadib markii shalay wadadaasi xoog uga soo gudbay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay agagaarka Isgooska Sayidka.
Xiritaanka Wadada dabka ee dhagxaanta lagu jaray ayaana saakay abuurtay jaam iyo cariiri badan, waxaana gaadiidka iyo dadkaba ku adkaatay in wadadaasi oo muhiim u ah isku socodka ay maraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com