Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ICJ oo laashay Codsigii Kenya iyo Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweesay

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynasyo go’aan kama dambeysta ah ee shalay galab Maxkamadda Adduunku ay ku laashay codsigii Kenya ay ku dooneysay in mar kale la dib dhigo dhageysiga dacwadda baddeena ee ay ina ku haystaan hoggaanka dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si mug leh ugu diyaar garoobeen in ay difaacdaan xaqooda soo jireenka ah ee xuduud biyoodka ay la wadaagaan dalka Kenya, iyadoo lagu ballansan yahay in dhageysiga dacwadda ay qabato Maxkamadda Aduunku 15-19 Bisha Maarso ee sanadkan.

“Waxaan shacbi weynaha Soomaaliyeed u sheegayaa innagoo ku kalsoon Ilaahey, ku kalsoon taageerada iyo garab istaagga mar walba aad dowladda Soomaaliya la barbar taagan tihiin in aynu ku matalno danta ummadda Soomaaliyeed, xaq iyo caddaaladna ku helno doodeenna iyo dacwaddeenna.”

Ra’isuul Wasaare Mahdi oo uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxdooda iyo dowladdooda dacwadda hortaalla Maxkamadda Adduunka ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadin kasta, gaar ahaan hormuudka bulshada in ay si dhow u gutaan doorka qaran ee kaga aaddan difaaca baddeena, midnimo iyo wadajirna aynu ku wajahno damaca qaawan ee Kenya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeen iyo dharaarba heegan u ahaa miro dhalka dacwaddan, si dhowna ula shaqeynayey khubarada sharciga iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee dacwaddan gacanta ku haya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bushaaro Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaliyed wakhtiga summer-ka

Cabdi Cade

Xamaas oo soo bandhigtay Muuqaalka Askari Israa’iili ah oo gacantooda ku jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo maanta lagu wareejiyay qalabka baaritaanka Caronavirus (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade