Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo war cusub soo saartay kana digtay hal arin oo la isku hayo

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay shirka ay mar kale isugu imaanayaan 15-ka bishan DF iyo maamul goboleedyada dalka.

Beesha Caalamka qoraalka kasoo baxay ayaana looga digay in dib ku dhac ku yimaado shirkan iyada oo cudur daar laga dhigayo muaranka ka taagan goobta lagu qabanayo shirkan ay isugu imaanayaa madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa mamaulada.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa iclaamiyay in shirka wadatashiga lagu qabanayo magaalada Garawe halka maamulka Puntland sheegeen in aysan diyaar u aheyn marti galinta shirkaasi kuna baaqday in lagu qabto Muqdisho.

Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka harsan labo maalin oo kaliya mana muuqato ififaalo uu shirkaasi ku qabsoomayo maadaama ana wali lagu heshiin goobta shirkaasi ka dhacayo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku shaqaynaya ku wada shaqeenaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaca iyo sawirka ninkii tooreyda ku dhaawacay Salman Rushdi (Sawirro)

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada Qaran oo War kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug (Akhriso)

Cabdi Cade

Jadwalka Doorashada kursigii ugu dambeeyay oo katirsan Aqalka Sare oo la shaaciyay

Cabdi Cade