Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay bar koontarool oo kuyaala Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay taliska booliiska ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari NOAH oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaa oo xoog kusoo dhaafay koontarool booliiska joogeen oo yaala agagaarka Dabka.
Booliiska warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in qaraxa uusan ka dhalan khasaaro dhimasho ayna ku dhaawacmeen todobo qof kaliya, hasa ahaatee goobjoogayaal ayaa noo sheegay in ay arkeen dad ku dhintay qaraxaasi.
Mid kamid ah ehelka nin ku dhintay qaraxa ayaa Shabakada Allbanaadir u sheegay in dadka qaraxa ku dhintay uu ku jiro Maxamed Sheekh Caracune oo kamid ahaa dadkii marayay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Halkan ka akhriso warka booliiska kasoo saareen qaraxaÂ
Saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.
Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.
Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com