Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo lagu dhax dilay gurigiisa

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxo hubeesan xalay deegaan kuyaala duleedka magaaladaasi ku dileen nin kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Labo nin hubeesan oo watay mooto Dhug dhugley ayaa la sheegay in gurigiisa ku dhax dileen Xasan Codey Julaas oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Kismaayo, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday ragii hubeesnaa.

Sida aan Wararka ku heleyno ninkan ergada katirsanaa ee la dilay ayaa labo habeen kahor tagay deegaanka Far-leysaan oo kuyaala duleedka magaalada Garbahaarey halkaas ay degnaayeen qoyskiisa.

Al Shabaab ayaa horey u dishay  tiro badan oo kamid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha shacabka, waxa ayna Al Shabaab ergooyinka ku beegsadaan goobaha ay joogaan haba ugu darnaateen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaa culus oo dhax maray ciidamada Kumaandooska iyo Dagaalyahada Al Shabaab

Cabdi Cade

Maraykanka oo qirtay in lix dayuuradood looga burburiyey weerarkii Manda bay

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada oo Shaaciyay in la bilaabayo Doorashada Aqalka Hoose Baaqna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---