Maxkamad ku taalla Magaalada Lillehammar ee dalkan Norway ayaa waxaa ka bilaabatay Maxkamadeynta 28 jir Soomaali ah oo ku eedeysan inuu dab qabadsiiyay labo kaniisadood oo ku yaalla degaanada Sel iyo Dovre ee gobolka Innladet.
Maxkamada oo markii hore la qorsheeyay inay dhacdo bishii August ee sanadkii 2020, ayaa dib u dhacday sababo caafimaad oo eedeysanaha lasoo darsay awgood.
Ninkan ayaa 20-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2020 si ula kac ah dab u qabasiiyay kaniisada taariikhiga ah ee Dombås kirke ee degaanka Dovre. Waxaana kaniisada gaaray dhaawacyo waaweyn oo dabka ka dhashay, isagoo 19-ka bishii Maarso ee sanadkii 2020 uu isku dayay inuu gubo kaniisad kale oo ku taal degaanka Sel ee gobolka Innlandet, inkasta oo lagu guuleystay in dabkaas si dhaqso ah loo damiyo, uusana geysan khasaaro badan.
Booliska ayaa ninkan Soomaaliga ah soo qabtay 21-ka bishii Maarso ee 2020, wuxuuna wareysi kadib qirtay inuu isagu ka danbeeyay labada kiis ee la xiriira gubitaanka kaniisadaha.
Ninkan Soomaaliga ayaa sheegay inuu ka careysnaa kitaab quraan ah oo bishii November ee sanadkii 2019 lagu gubay magaalada Kristiansand ee dalkan Norway.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com