Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Caasimada dal caan ah oo 1 Kiilo oo bur ah la iibiyo lacag gaareysa boqol dollar

Iyadoo ku dhawaad muddo laba bilood ah, caasimadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee Bangui ay ku jirtay go’doon ayaa waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada daruuriga ah.

Jabhado mucaarad ah ayaa beegsanaya gawaarida xamuulka ee cunnada u sida caasimaddaas, taasoo horseeday in cunno yari baahsan ay dhacdo iyo sicirka raashinka oo aad sare ugu kacay.

Qiimaha kiilada burka ayaa caasimadda dalkaas ka gaaray boqol dollar, maadaama ay adag tahay in la helo waana qiime waali ah oo aad u sareeya waxaana meelo ay ka mid ah Somalia la iibiyaa 1kg oo bur ah nus dollar oo kaliya.

Xulafada oo la magac baxday Patriots for Change, ayaa doonaya inay xukunka ka tuuraan dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Faustin Archange Touadéra.

Xooggagan ayaa dhulka ay gacanta ku hayaan waxaa lagu qiyaasay 40 ilaa 60 boqolkiiba dhulka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Daawo:- Qoor-qoor oo ka hadlay kulankii Guddiga ka baaraan degaya doorashada

Caydiid Ali

Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is casilay iyo Xog ku aadan Sabbata Is-casilaadiisa

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo howlgal ku dilay 7 ka tirsan Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---