Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Khubaro Caafimaad oo shaaciyey Xog cusub oo laga helay viruska Corona

Seynisyahanno ayaa sheegay in fayrasyada nooca corona oo isku bah yihiin cudurka Sars-CoV-2, ay suuragal tahay inay ku dhex wareegayaan Fiid-meerta ku nool dalal badan oo ku yaalla qaaradda Aasiya.

Fayras aad ugu dhow fayraska Sars-CoV-2, oo sababa cudurka Covid-19, ayaa laga helay xayawaannada Fiid-meerta ee ku nool dhulka keymaha ah ee koonfurta waddanka Thailand.

Cilmi-baareyaasha ayaa saadaaliyay in fayraska uu ku jiri karo xayawaannada noocaas ah ee ku nool dalal badan oo reer Aasiya ah iyo gobollada ku dhowba.

Xogta ay heleen waxay muujineysaa in cudurka uu gaarsiisan yahay dhul ku fidsan 4,800km (2,983 meyl).

Dalalka farta lagu fiiqay waxaa ka mid ah Japan, Shiinaha iyo Thailand, sida ay khubaradu ku sheegeen warbixin lagu daabacay wargeyska Nature Communications.

Daraasado hore ayaa muujiyay in cudurka Sars-CoV-2 uu markii hore kasoo billowday xayawaan loo maleynayo inuu yahay Fiid-meerta, ka hor inta uusan usoo gudbin bani’aadanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiirka Waxbarashada oo shegay iney joojiyeen ceebeynta dad ku kacay arrin ka yaabisay

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo arrimo Xasaasi ah uga digay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Kulan muhiim ah la qaatay Bulshada ku dhaqan Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---