Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo dhagaha ka fureestay Dalab uu u jeediyay Gudoomiye Mursal

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortagay Xildhibaanada golaha Shacabka si uu uga warbixiyo waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadiisa jirtay.

Kahor inta uusan Ra’isul Wasaarhaa hortagin Xildhibaanada ayaa waxaa soo baxayay guux ku aadan in Rooble uu ka hadlayo arimaha doorashada uuna Xildhibaanada ka codsan doono in mudo kordhin u sameeyaan dowlada si looga shaqeeyo hirgalinta doorashada.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal oo ka cabsi qabay in Xildhibaanada qaar foodo sameeyaan ayaa furitaanka kulanka ka sheegay in warbixinta Ra’isul Wasaaraha aysan ku jirin ka hadalka doorashada kaliyana uu ka hadli doono waxqabadkiisa kale.

”Mudane Ra’isul Wasaare waxaan kuu sheegeynaa Baarlamaanka horey ayuu u ansixiyay sharci doorasho , waxii doorasho ku saabsan anaga xageyna waa kasoo dhamaatay, waxaa looga fadhiyaa xukuumada iyo dowlad goboleedyada hirgalinta heshiiskii Baarlamaanka ansixiyay, sidaa daraadeed  wax doorasho ku saabsan in aysan aysan ku jirin ayaa sheegeynaa ,” ayuu yiri Gudoomiyaha golaha shacablka.

Ra’isul Wasaare Rooble oo Xildhibaanada kahor aqriyay warbixinta waxqabadka boqolkii maalin ay shaqeesay Xukuumada ayaa dhagaha ka fureestay baaqii Gudoomiyaha golaha shacabka ee ku aadanaa in uusan ka hadlin arimaha Doorashooyinka.

Rooble ayaana qeyb kamid ah warbixintiisa uga hadlay waxyaabihii xukuumadiisa ka qabatay hirgalinta doorashooyinka iyo shaqada ay hada wado Xukuumada ee ku aadan in dalku ka dhacdo doorasho.

Ra’isul Wasaaraha ayaansa Xildhibaanada kahor sheegin wax mudo kororsi ah kaliyana waxa uuna ku gaabsaday ka hadalkiisa hirgalinta doorasho raali laga wadayahay, isagoona ku baaqay in heshiis laga gaaro khilaafka ka jira arimaha doorashada.

Warbixinta uu Ra’isul Wasaare Rooble maanta kahor jeediyay Xildhibaanada golaha shacabka ayaana ka muuqan waxqabad muuqda ay la timid Xukuumadiisa, waxa uuna ka hadlay kaliya waxyaabo aan badneen ay xukuumadiisa qabatay intii uu xilka hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashadii ka dhacday Puntland

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay in howlgal qorsheysan lagu dilay in ka badam 70 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade