Magaalada Barakeesan ee Madiina ee kutaala Boqortooyada Sacuudiga ayaa loo aqoonsaday hormuudka magaalooyinka ugu bedqabka iyo caafimaadka fiican dunida oo dhan,sida ay shaacisay Hey’adda WHO.
Waxaa ku nool magaalada Madiina tiro ku dhow 2 milyan oo dad ah, laakiin waa magaaladii ugu horreysay oo loo aqoonsado midda ugu caafimaadka fiican dunida kadib qiimeyn lagu sameeyay.
Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay sheegtay in magaalada Madiina ay la kulantay dhammaanba shuruudihii lagu xulan kari lahaa magaalo bedqabsan oo leh tayo caafimaad oo la isku haleyn karo.
Dadka u dhashay Sacuudiga iyo muslimiinta aduunka ayaa tallaabadan Madiina loogu aqoonsaday hormuudka magaalooyinka ugu bad qabka iyo caafimaadka fiican kusoo dhaweeyey farxad iyo bogaadin.
Madiina oo ah magaalada labaad ee Islaamka, waxay dhacdaa gobalka Xijaaz oo qiyaastii 280 mile waqooyi kaga beegan magaalada barakaysan ee Makka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com