Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo shaaciyay Ujeedooyinka Farmaajo ka leeyahay Shirka uu Iclaamiyay

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay iclaamiyay shir kale oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka , waxaana shirkan isugu imaanaya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Farmaajo ujeedka uu shirkan u iclaamiyay ay tahay in uu ku moodo shirkii xalay Golaha Amaanka uga hadleen xaalada Soomaaliya  .

Waxa uu sidoo kale sheegay Musharaxa in Farmaajo doonayo in shirkan isaga horkeeno maamulada Puntland iyo Galmudeug sidoo kale maamulka Puntland ku tuso in wali uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

”Shirka uu Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan wuxuu ku doonayaa:- 1- In uu ku moodo Shirka maanta Golaha Amaanka ee Soomaaliya looga hadlayo. 2- In uu Galmudug iyo Puntland iska hor keeno 3- In uu tusiyo in uu weli madaxweyne yahay. Waxaanse rajaynayaa in Puntland ay fahmi karto fitnada Farmaajo, diktatoor dhacayna fursad siin doonin.” ayuu yiri C C Warsame.
Shirkan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya uu mar kale iclaamiyay ayaa kusoo aadeysa xili uu dhamaaday mudo xileedkiisa walina aan heshiis laga gaarin doorashada, waxaana shirkan ku dhashay cadaadis ka yimid beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal deris la’ah Somalia oo boqolkiiba 93 shacabkiisa aysan musqulo heysanin

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisadii Erdogan iyo Macron oo weji cusub la soo baxday (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---