Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka uu Farmaajo ku baaqay ee Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaasoo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidamada Ruushka oo dagaalka Ukraine u adegesanaya xeelado cusub

Caydiid Ali

Tirada askarta Isreal looga dilay dagaalka ka socda magaalada Gaza oo korortay

Cabdi Cade

Daawo: Sambalolshe oo shirka Garowe Ka weeraray Villa Soomaaliya & Saciid Deni oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---