Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan xasaasi ah oo Villa Somalia ku dhexmaray Farmaajo & Guddoonka Golaha Shacabka

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulankaas diiradda lagu  saaray sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd.

Madaxtooyada kuma sheegin qoraalka ay soo saartay waxyaabaha ka soo baxay kulankaas xasaasiga ah oo ku soo beegmay xili la hadal hayo in RW Rooble oo beri baarlamanka hortagaya uu wado qorshe muddo kordhin labo sano ah oo xildhibaanadu ay ansixiyaan.

Xildhibaano mucaarad ah oo ku shiray Muqdisho ayaa galabta sheegay ineysan marnaba aqbali doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo madaxda DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Tirada dadka caalamka ugu geeriyooday cudurka COVID-19 oo sare u sii kacday

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiirada A/dibeda Midowga Afrika oo ku shirsan Nairobi & Somalia oo..

Caydiid Ali

Daawo:-Fara galintii Madaxwayne Farmaajo ee arrintii ka dhacday Villa Somalia & Dowladda oo war ka soo saartay howlgalkii dhacay!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---