Maamulka Galmudug ayaa ka jawaabay hadal shalay kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto degaanada maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Xasan Masagaway oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ee kasoo jeedda degaanada Galmudug inay qabsadaan shaqooyinkii loo igmaday.
Wasiirka waxaa uu sheegay in warkii shalay kasoo baxay uu u muuqday mid baalmarsan Sharciga maamulka Galmudug.
“Xildhibaano Waajibaadkooda dayacay waa nasiib daro iney ka hadlaan arrimo aan waxba ka khuseyn” ayuu yiri wasiirka.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda Dhexe , Beesha Caalamka iyo dowlad goboleedyadda in aan la soo faragelin howlo dib u heshiisiin ah oo uu sheegay iney ka socdaan Magaalada Dhuusmareeb.
Xildhibaanada dowladda Dhexe ee laga soo doorto degaanada Galmudug ayaa sheegay inay ka soo horjeeddaan qaabkii loo maray dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna, ayna ku baaqeen in dib loo saxo qaladaadka jira.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com