Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamye dil ku xukunnaa oo laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Itoobiya

Andargachew ‘Andy’ Tsege, oo ahaa hogaamiye sare oo mucaaradka Itoobiya ka tirsan isla markana ku xukunnaa dil ayaa xabsiga laga siidaayay maanta.

‘Andy’ Tsege,oo sidoo kale haysta dhalashada dalka Britain ayaa imika dib ula midoobay qoyskiisa.

Sii deynta ayaa waxaa si wayn u sugayay waalidiinta hogaamiyaha oo iyagu ku nool magaalada Bole oo u dhaw caasimada,Addis Ababa.

Waxaa xabsiga la dhigay Mr Andargachew afar sano ka hor, isagoo ahaa xoghayihii guud ee dhaqdhaqaaqii la mamnuucay ee Ginbot 7.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday siidayntiisa, waxayna sheegtay inay qayb ka tahay dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Howgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyey degaano hoos taga..

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay faa’iidada Somalia ugu jirta heshiiska Saddex geesoodka ah

Caydiid Ali

Muxuu yahay Khilaafka culus ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---