Allbanaadir.com
NEWS

Rag bastoolado & bambooyin ku hubeysnaa oo goor dhow Muqdisho lagu qabtay

Israsaaseyn kooban ayaa galabta casar gaabadkii ku dhexmartay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow buundada Ansalooti ee degmada Waaberi ciidamada xasilinta iyo dabley hubeysan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadku uu bilowday markii ciidamo xasilinta oo bar control ku leh buundada Ansalooti ay  joojiyeen labo nin oo ay shakiyeen.

“Ragga laga shakiyey markii la joojiyey bastoolado ayey iska soo jareen, waxayna rasaas kooban isweydaarsadeen ciidamada xasilinta, iyagoo isku dayey iney baxsadaan, midkoodnma wuxuu ku cararay dugsi quraan” ayuu yiri goob jooge halkaas ku dhowaa.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ayaa allbanaadir.com u xaqiijiyey in labo nin oo la dagaalamay ciidamada xasilinta lagu qabtay dhacdadaas, haatana ay ku jiraan iyaga iyo hubkooda gacanta ciidamada amaanka.

Waxay kaloo intaa ku dareen masuuliyiyiintu in labada nin ee la qabtay midkood uu ku dhaawacmay israsaaseynta dhexmartay iyaga iyo ciidamada amaanka, iyagoo xusay in sidoo kale gacanta lagu dhigay bastoolado iyo bambooyin ay wateen.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaan illaa hadda ka hadlin iska horimaadkan ka dhacay degmada Waaberi, waxayna tani ku soo aadeysaa xilli 24-kii saac ee ugu dambeeyey ay Muqdisho ka dhaceen dilalkii ugu badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Janan oo shaaciyay qaabkii uu uga baxsaday Muqdisho iyo Cidii ku gacan siisay

Cabdi Cade

R/W Kheyre oo Gudoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaanada golaha Shacabka oo maanta ansixiyay Saddex Hindise-sharciyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---