Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamo Siyaasadeed oo iska soo horjeeda oo saakay ka socda Muqdisho

Waxaa saakay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda siyaabo kala duwan  uga socdaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar kamid ah Hoteelada iyo xarumaha ay degan yihiin siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxdii hore.

Sida aan wararka ku helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xalay ilaa saakay waxaa ka socday kulamo siyaasadeed ee leeyihiin madaxda ugu sareysa dalka kuwaa oo ka arinsanaya sida laga yeelayo mudo xileedka Madaxweynaha oo maanta ku eg .

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul Wasaaraha iyo xubno kale oo saameyn ku leh dowlada iyo la taliyaashiisa ayaa iska wareestay sida ay ka yeelayaan cabsi galinta mucaaradka iyo xasaradaha taagan.

Farmaajo iyo xubnaha uu la kulmay ayaana is dhaafsaday aragtiyo iyo fikrado ay aaminsan yihiin oo looga gudbi karo xaaladan siyaasadeed ee soo korortay, waxa ayna isku sheegeen in Madaxweynaha wali sharci yahay ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne bedela.

Dhinaca kale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa xalay iyo saakay kulamo kala duwan kalahaa mudo xileedka Madaxweynaha ee maanta ku eg iyo talaabooyinka sharciga ah ee qaadi karaan hadii Madaxweynaha xilka isku dhejiyo.

Kulamada socda ayaana u badan kuwa looga arinsanayo sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan mudo xileedka dhamaaday ee Madaxweyne Farmaajo iyo sidii looga fogaan lahaa in dalku galo khalalaase.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay xalay soo saareen ku shaaciyay in mudo xileedka Madaxweynaha uu maanta ku egyahay, waxii maanta ka dambeeyana aysan Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne Sharci ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo bilaabay olalihiisa doorashada & Shikh Shariif oo amaanay ciidankii bad baado Qaran!!

admin

Mahad Salad & oo kulan xasaasi ah la qaatay Dhigiisa Sirdoonka UK ee MI-6

Caydiid Ali

DFS oo shaacisay in dardar ku socdo kobaca dhaqaale ee dalkeeda iyo Hay’adad IOM oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---