Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuurad ku burburtay garoonka Bali-doogle iyo AMISOM oo War ka soo saartay

Diyaarad Helicopter ah oo ku jirtay hawlgal ay ku taageerayso ciidamada AMISOM ayaa burburtay waxyar kadib markay ka duushay deegaanka Balidogle ee gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya Febraayo 5, 2021.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay AMISOM Dhammaan afarta askari ee saarnaa diyaaradda helikobtarka ah ayaa la soo badbaadiyey, xaaladooduna waa ay deggan tahay.

AMISOM ayaa intaa ku dartay inuu socdo baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay shilka diyaaradda.iyadoo warbixinnada hordhaca ah waxay muujinayaan inay sabab u ahayd cilad farsamo.

Diyaaradda Helicopter-ka ayaa ka tirsaneyd qeybta duulimaadka ee AMISOM kana tirsan ciidamada difaaca shacabka Uganda, UPDF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax ay Taageereyso dowlada federaalka oo ka degay Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qoys ka kooban shan ruux oo lagu laayey degaan hoos taga gobolka Mudug

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo shaacisay tirada shaqaale hor leh oo looga dilay duqeymaha Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---