Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya & QM oo ka heshiiyey qorshe muhiim ah oo khuseysa gobolka Tigray

Madaxa ha’yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay heshiis la galeen dowladda Itoobiya si loo ballaariyo howlaha gargaarka loogu fidinayo shacabka ku nool shacabka gobolka Tigray iyo shaqaalaha gargaarka loogu ogolaado gobolkaas.

David Beasley wuxuu sheegay in ku dhawaad 3 malyan oo qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobey waxay marar badan cabasho ka muujisay in shaqaalaha gargaarka loo diiday inay galaan gobolka si dadka taabaleysan ay u gaarsiiyaan gargaar.

Dagaalo goos goos ah iyo weeraro ayaa weli ka socdaa gobolka inkasta dowladda ay sheegtay inay la wareegtay gobolkaas.

Labada dhinac wuxuu midba midka kale ku eedeynayaa in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin kufsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Sabab dad badan layaabeen u dilay xaaskiisa iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Soo Xulida inta badan Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la dhameystiray

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo Safar saddex todobaad qaadanaya dalka kaga dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---