Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday guriga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan

Waxaa xalay weerar bambaano loo adeegsaday lagu qaaday guri kuyaala magaalada Baydhabo , waxaana gurigan la sheegay in uu leeyahay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan oo hada ku sugan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in guriga markii bambada lagu tuuray kadib ciidamada ilaalada ka hayay ay fureen rasaas sababtay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay gabar dhalinyaro ah oo magaceeda lagu sheegay Xanaan Barre ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen ciidamada ilaalada guriga taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, ruux kale ayaa sidoo kale la sheegay in rasaastaasi ku dhaawacmay.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa dambi baarista ayaa saakay magaalada Baydhabo gaar ahaan guriga la weeraray iyo xaafadaha ku dhaw dhaw ka sameeyay baaris ku aadan sida ay u dhacay weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo laamaha amaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkan  bambaano ee lagu qaaday guriga taliye Mahad iyo rasaasta khasaaraha sababtay ay fureen ilaalada guriga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Cade

Guddi isku keenaya Madaxda Dowlada & Maamul goboleedyada oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo joojiyey Dhisme sharci daro ah oo ka socday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---