Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada AMISOM oo dad shacab isku qoys ah ku dilay Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada AMISOM madaafiic ku garaaceen deegaano hoostaga Janaale oo dad shacab ah ku noolaayeen.

Dadka kunool Tuulada Mishaani oo hoostagta Deegaanka Janaale ayaa xalay mar qura ka war helay madaafiic tuuladooda kusoo dhaceysa, waxaana madaafiicda qaar ku dhaceen guryo dad shacab ah degnaayeen.

Inta la xaqiijiyay laba Carruur ah ayaa geeriyootay halka saddex kale oo ay ku jirto hooyada caruurtaasi ay ku dhaawacmeen , kadib markii uu madfac ku dhacay guri kuyaala deegaanka Mishaani.

Madaafiicda ku dhacday tuulada Mishaani ayaa laga soo tuuray xero ciidamada AMISOM leeyihiin sida dadka deegaanka ku warameen, waxa ayna sheegeen dadka deegaanka in aysan garaneyn sababta madaafiicda xalay loogu duqeeyay.

Ciidamada AMISOM  iyo maamulka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin dadka shacabka ah ee xalay ku dhintay madaafiicda Ciidamada AMISOM tuureen, waxaana sidan oo kale marar badan ciidamada AMISOM duqeyn ugu dileen dad shacab ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe iyo C/weli Muudey oo Muudey oo Muqdisho ku kulmay iyo Xog ku aadan ..

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Kulan Qarsoodi ah la Qaatay Odayaasha Beeshiisa iyo Xog ku aadan …

admin

Dowlada Soomaaliya oo ka Walaacsan in mar kale dib loogala wareego maamulka Hawada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---