Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Sawirro) Muuse Biixi oo sameeyey arrin uu kaga dayday Madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday talaabo dad badan ay ku sifeeyeen inuu kaga dayday madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka Somalia.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa mid walba waxaa uu sameystay ciidan si gaar ah u qalabeysan oo ka duwan ciidamada kale ee caadiga ah, kuwaasoo xitaa u raaca safarada ay magaalooyinka dalka ku tagaan.

Maamulka Somaliland ayaa qaaday talaabo tan la mid ah, iyagoo soo bandhigay ilaalo la mid ah kuwa dowlad goboleedyada oo loo sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi.

Sawiro laga soo qaaday ciidamadan gaarka ah ee ilaalada u noqonaya Muuse Biixi ayaa si weyn loogu baahiyey baraha bulshada, kuwaasoo aan wax badan ka duwaneyn ilaalada madaxda dowlad goboleedyada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

Caydiid Ali

Askari dhowaan Wiil iyo gabar walaalo ah ku dilay Muqdisho oo la xukumay (Sawirro)

Caydiid Ali

Doorasho goordhaw ka dhacday Jowhar iyo Siyaasi Caan ah oo kusoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---