Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlayey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dadaalka dowladdu ay ku bixineyso hirgelinta doorashooyinka dalka, isaga oo dul istaagay sida ay uga go’an tahay Madaxda heer Federaal fulinta heshiiskii 17-ka Sabtembar ee ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayna ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaan ka hadlin dhowr arrimood oo la filayey inuu khudbadiisa ku soo qaato, waxaana ka mid ah
–Waxaa laga yeelayo muddo xileedkiisa dhamaaday
Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan jiri doonin firaaq dastuuri ah balse ma sharcin qaabka looga baaqsan doono firaaqigaasi maadaama xil hayntiisa dastuurka ku eg tahay 8-da Febraayo oo Isniinta ku beegan.
Musharrixiinta mucaaradka ayaa horay u sheegay inaysan yeeli doonin muddo kordhin. Waxayna sheegen in loo baahan yahay in la yeesho kullan ballaaran oo dhinacyadu u dhan yihiin oo looga arrinsado xilliga kala guurka haddii uu fashilmo shirka Dhuusamreeb muddo xileedka madaweynuhuna dhammaado
-Fashilka Shirka Dhuusamareeb
Shirka Dhuusamareeb oo lagu waday in khilaafka doorashada ee muddada dheer soo jiitamayay lagu xaliyo ayaa shalay fashilmay, waxaana ugu muhiimsanaa muddo xileedka dowladda, muranka gobolka Gedo ee u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, arrinta xildhibaannada gobollada woqooyi iyo tan guddiga doorasha oo uu muran ka taagnaa.
Farmaajo faahfaahin kama bixnin waxa la isku mari waayay, balse wuxuu ku gaabsaday in wasiirkiisa warfaafinta uu arrintaaasi faahfaahin ka bixiyay.
–Goorta iyo halka uu ka dhacayo shirka xiga
Madaxweynaha ayaa sheegay inu jiri doono kulan kale oo dhinacayda khilaafka ay isugu imaan doonaan haddana ma sheegin goorta iyo halka uu kulankaasi ka dhici doono iyadoo wakhtigu uu gabaabsi yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com